Ku: waalidka waddanka ku cusub

Waxaad tahay qof muhiim ah! Adiga waalidka ah ayaa muhiim u ah horukaca ilmahaaga iyo caafimaadkiisa. Degmada waxay kaa taageeri kartaa sidaa ku heli lahayd doorka waalidnimada. Halkaan waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan meesha aad kala xiriiri kartid xaaladaha kala duwan ee ilmahaaga ku saabsan. Kaalmadoo dhan waa lacag la’aan.

Ma qabtaa wax su’aal ah, fadlan la xiriir degmada Örebro

Telefon: 019-21 10 00
Saacadaha uu furanyahay: Isniin–jimce saacadaha. 8–16.30

Goobta booqashada: Näbbtorgsgatan 10, Örebro
Saacadaha la furo: isniin–jimce saacadaha. 10–16.30

In waalid lagu noqdo Iswiidhan

Dalka Iswiidhan waxa uu leeyahay sharciyo la xiriira qoysaska iyo caruurta. Sharciga waxa uu xooga saarayaa ilmaha waxa u wanaagsan. Sharciga waxa uu sharaxaayaa mas’uuliyada waalidka ilmaha ka saaran siday tahay, ma qabtaa su’aalo la xiriira qoysaska iyo caruurta iyo sida ay uga shaqeyso Iawiidhan, nagala soo xiriir telefoonka waalidiinta si aan kuu siino macluumaad dheeri ah.

Telefoonka waalidiinta: 019-21 36 00

Ma u baahantahay qof aad kala hadasho ilmahaaga ama dhalintaada? Telefoonka waalidiinta waxaad kula hadli kartaa shaqaale qibrad u leh arrimaha bulshada. Waa ku caawini karaan waxayna kuu sheegaayaan kaalmada aad heli karto. Malagu diiwaangelinaayo loomana baahna inaa sheegto magaca ilmahaaga.

Saacadaha la furo: Isniin-Jimce saacadaha. 9–12.

Kooxda banaanka ka shaqeysa: 019-21 45 80

Maka welwelsantahay ilmahaaga? Waxaa jira koox ka socota xafiiska arrimaha bulshada oo bannanka ka shaqeeya dhalinyarada degmada Örebro oo dhan la shaqeeya. Waxaan joognaa meel walba oo dhalinyarada joogaan. Waxaa kaloo taageero siineynaa waalidiinta.

Na soo wac ama nagala soco Facebook iyo Instagram.

Dhibaateynta qofka kula nool

Iswiidhan waxaa ka mamnuuc ah in la isticmaalo xoog ku maquunis, hanjabaad ama dhaawac loo geysanaayo qof kale. Qofka xoog wax ku maquuniya waa qof dembiile ah. Qaladkaaga ma ahan haddii dhibaato laguu geysto. Waxaad xaq u leedahay badbaado iyo taageero. Na soo wac, waa ku caawineynaa:

Xarunta ka hortagida dhibaateynta qofka kula nool: 019-21 36 12

Na soo wac haddii aad su’aal qabtid ama talo u baahantahay. Haddii aan jawaabi weyno, fariin noo reeb anagaa ku soo waceyno.

Saacadaha la furo: Isniin–jimce, saacadaha. 8.30–16.30.

Kooxda qaabilaada xafiiska arrimaha bulshada, maalinkii: 019-21 30 00

Dhibaato makugu dhacday ama mataqaanaa qof kale oo dhibaato ku dhacday? Maalinimo waxaad la xiriiri kartaa kooxda qaabilaada xafiiska arrimaha bulshada, si aad u hesho kaalmo iyo caawitaan.

Goobta booqashada: Ribbingsgatan 1–3, Örebro
Saacadaha la furo: isniin–jimce, saacadaha. 9–15. Xilliga qadada waxay xirantahay saacadaha. 12–13.

Adeega bulshada deg dega ah, habeenkii iyo maalmaha fasaxa ah: 019-21 41 05

Dhibaato makugu dhacday ama mataqaanaa qof kale oo dhibaato ku dhacday? Habeenkii waxaad la xiriiri kartaa adeega arrimaha bulshada deg dega ah, si aad u hesho kaalmo iyo caawitaan.

Haddii ay jirto xaalad deg deg ah: 112

Hadaa u baahantahay caawomaad deg deg ah oo booliis ama ambulans ah, waxaad wacdaa 112.

Guri hel

Waalidka waxaa mas’uuliyad ka saarantahay inuu qoyskiisa guri u helo. Örebro waxay leedahay shirkado badan oo guryaha kireeyo. Adiga ayaa ku qasban inaa shirkadahaas la xiriirtid oo aad guri ka dalbatid. Safka guryaha ayaad iska diiwaangelineysaa, guri bannaan shabakadooda aad ka raadineysaa ka dibna waa dalbaneysaa si aad u soo fiirsatid guriga.

Liiska shirkadaha guryaha waxaad ka arki kartaa: www.orebro.se/skaffa-bostad

Shaki makaaga jiraa sidaa u sameyneysid? Nasoo wac, anagaa ku caawineyno!

Soo wac Servicecenter nambarka 019-21 10 00 ka dibna weydii ”xafiiska ceyrta
dejinta iyo isdhexgalka”. ”Försörjning, bosättning och integration”.

Isku xirka talooyinka!

Hage bulshada Iswiidhan

Halkaan waxaad ka heleysaa macluumaad badan oo ku saabsan Iswiidhan, iyo
sidee waaye degaanka meeshaan. www.informationsverige.se

Senast uppdaterad:

Publicerad: