Barashada af iswiidhishka ee dadka ajaanibta ah

Barashada afka Iswiidhishka ee dadka ajaanibta ah SFI, waa barashada aas-aasiga ah ee luqada Iswiidhishka iyo bulshada Iswiidhanba waxaana loogu talo galay qofka aan afkiisa hooyo ahayn luqada Iswiidhishka. Si aad wax uga barato Iskoolka SFI:ga waa in da´daadu ka wayntahay 16 sano, ka diiwaangashantahay degmada Örebro isla markaana haysato nambarka shaqsiga oo  kaamil ah.

Waxaa jira koorsooyin kala duwan, heerka luqadaada iyo habka aad wax u baraneysid. Koorsadu waa lacag la´aan laakiin sfi maku qaadaneysid lacagta la siiyo ardayda dusgsi sare ama jaamacadaha dhigta oo kale. Adiga iyo la taliyahaaga xagga waxbarashada ayaa go´aan kawada gaaraaya koorsada adiga kuu qalanta. Ujeedada aad luqada u baraneysid, aqoontaadii hore iyo khibradaada waxay muhiim u tahay koorsada laguugu qoraayo.

Iswaafijinta koorsooyinka

  • Qaadashadu waa is daba joog
  • Saacadaha waa laguu bedbedeli karaa haddii aadan awoodin inaad dhigato waqtiyada uu iskuulku furan yahay
  • Marwalba oo aad koorso dhameysid waxaa lagu siinaayaa shahaado
  • Qof walba intay isku heer yihiin xagga luqada ayuu ku fasal noqonaayaa
  • Inta sfi la dhiganaayo waxaa ku jiro xilli shaqo barasho (baraatiik)
  • Koorsooyin xirfad lagugu diyaarinaayo ayaa lagu siinaayaa iyadoo wada shaqeyn lala sameynaayo xafiiska shaqada
  • Qofka jaamiciga ah waxa uu luqadda ku baranaayaa dugsiga sare ee dadka waaweyn (seeraalaha ay degmadu maamusho)

Waxaa laguu sameynayaa maab dejin/dariiq hagid, luqadana waxaa laguugu baraa heerka ay waxbarashadaada gaarsiisan tahay, ayadoo la raacinaayo barashada suuqa shaqada. Waxaa lagaa caawinaayaa in laguu tarjumo/la qiimeeyo shahaadaada hore.

Haddii aad dooneysid shahaado oo keliya waxaad sameyneysaa imtixaanka luqada. Markaa waxaad la soo xiriireysaa xoghaynta.

Dalbashada

Vägvisaren, waxaad ugu tageysaa Maktabada weyn ee magaalada, cinwaankeeda waa Näbbtorgsgatan 12.
Qaxooti cusub oo sharciga mar dhow helay hadaad tahay waxaad tagtaa Xafiiska shaqada oo ku yaala Olaigatan 4.

6 todobaad gudahooda ayaa waxaa ballan kuu sameynaaya la talilyaheena xagga waxbarashada iyo shaqada ka dibna waxaad bilaabeysaa iskuulka.

Xataa waxaad dalabka ka sameysan kartaa boggeena internetka adoo soo buuxinaaya foomka dalabaadka.

Foomka dalabaadka

Ma qabtaa su´aal? fadlan la xiriir mid ka mid ah la talliyeyaasha xagga waxbarashada
019-21 63 73, 019-21 39 53 ama 019-21 57 55.

30 november 2011 • 
13.07

Dela:

Kontakt

019-21 10 00
Måndag-torsdag 7.30-16.30
Fredag 7.30-16

RSS-länkar på orebro.se

Örebro kommun, Box 30000, 701 35 Örebro | org.nr: 212000-1967 | 019-21 10 00
kommun@orebro.se | Om webbplatsen | Press | Emil