Shaqada la noo igmaday waa in aan u samayno qaxootiga iyo soo-galaytiga cusub ee sharciga leh kana diiwaangashan degmada Örebro, qorshaha mustaqbalka oo qaabaysan oo si gaar ah qofka loogu habeeyay si uu uga mid noqdo bulshada iswidhishka.
Himiladu waa barashada afka iswidhishka, abuurista waxyaabaha suurtogaliya in qofku shaqo helo, in uu dabbaro dhaqaalihiisa iyo in uu ka mid noqdo bulshada iswidhishka.
Qofka cusub ee soo-galaytiga ah, xoghayaha qorshaha mustaqbalka iyo la-taliyaha warbarshada iyo xirfadaha ayaa iyaga oo wada jooga samaynaya qorshaha mustaqbalka oo qaabaysan oo u gaar ah qofka. Qorshaha waxa lagu salaynayaa qofka xirfaddiisii hore, aqoontiisa waxbarasho, waayo-aragnimadiisa iyo awoodiisa shakhsiyeed.
Himiladu waa in qorshaha mustaqbalku ku dhammaado laba sano gudahood, laakiin waa la kordhin karaa iyadoo la tixgalinayo qofka baahidiisa gaarka ah, wuxuse socon karaa ugu badnaan 3.5 sano. Qorshaha mustaqbalka si joogto ah ayaa loo dabagalaa inta lagu jiro wakhtiga qorshaha mustaqbalka, waxna waa laga baddalaa iyadoo la tixgalinayo qofka baahidiisa gaarka ah iyo awoodiisa shakhsiyeed.
Maamulaha/agaasimaha qaxootiga:
Åsa Ekholm, asa.ekholm@orebro.se
Tfn 019-21 41 82
Örebro kommun, Box 30000, 701 35 Örebro | org.nr: 212000-1967 | 019-21 10 00
kommun@orebro.se | Om webbplatsen | Press | Emil