
Utskrift från www.orebro.se

Örebro waa degmada toddobaad ee dalka ugu wayn waxana ay ku taalaa badhtamaha Iswidhan. Magaaladu waxay jirtay qiyaastii 700 oo sano. Degmada Örebro waxa deggen qiyaastii 134 000 oo qof. Boqolkiiba 16 ka mid ah ayaa asalkoodu yahay ajinabi, waxana deggen dad ka kala yimid 150 dal oo kala duwan.
Xafiiskayaga adeegga soo galeytigu wuxu afaf kala duwan ku bixiyaa talo iyo warbixin wakhtiga maalintii isniin-jimce. Waxa uu ku yaalaa Stadsbiblioteket, Näbbtorgsgatan 12. Telefoon 019-21 41 62.
Degmada waxa maamula golaha degaanka oo ka kooban wakiilo matalaya xisbiyada siyaasadda. Inta wakiil ee uu xisbi waliba helayaa waxa ay ku xidhan tahay inta cod ee uu xisbigu ka helo muwaadiniinta doorasho la qabto afartii sannaba mar.
Örebro waxa ku yaala qiyaastii 70 dugsi oo hoose/dhexe oo ay dhigtaan carruur 6 — 15 jir ah, inta ka horraysana carruur badan ayaa tagta xannaanada carruurta . Dugsiga hoose dhexe ka dib waxa ay dhallinyarada badankoodu tagaan dugsiga sare waxana Örebro ku yaala toddoba iyo toban dugsi oo sare. Waxa kale oo halkan ku yaala dugsiyada dhallinyarada ee indhoolayaasha, dhegoolayaasha iyo kuwa dhegaha culus. Jaamacadda Örebro waxa dhigta qiyaastii 15 000 oo arday.
Örebro waxa ku yaala dhawr rugta buugaagta ah oo ay yaalaan wargeysyo, qoraal xilliyeedyo iyo buugaag afaf kala duwan ah. Ka ugu wayni waa Rugta buugaagta magaalada ee suuqa ku yaala, xaafado badana waxa ku yaala rugo buugaag oo yaryar.
Waxa Örebro ku yaala meelo badan oo mudan in la daawado. Badhtamaha magaalada, togga Svartån, waxa ku yaala qasrigii hore, Beerta nashada magaalada ee quruxda badan dhexdeeda waxa ku yaala Wadköping, oo ah matxaf furan oo leh guryo da´ wayn oo loox ah. Taawarka kaydka biyaha ee Svampen waxa aad ka arki kartaa magaalada Örebro oo dhan.
Örebro waxa ku yaala afar barkadaha dabbaasha ah oo dedan oo leh qalabka jimicsiga: Brickebackens bad, Eyrabadet, Hagabadet och Gustavsvik.
Meel kasta oo aad ka deggen tahay Örebro waxa kuu dhow beeraha nasashada iyo meelaha dabiiciga ah. Dhawr kiiloomitir marka badhtamaha Örebro laga baxo waxa ku taala harta Hjälmaren. Togga Svartån dhinaca uu ka soo rogmado iyo dhinaca uu u qulqulaba waxa ku yaala seero dabiici ah oo leh waddooyinka dadka iyo baaskiiladaha oo wanaagsan. Dhinaca woqooyiga waxa ku yaala Naturens hus oo leh makhaayad iyo hudheel cunto oo furan sannadka oo dhan. Dhinaca galbeedka waxa ku yaala Kilsbergen oo leh meelo badan oo lagu laydhsado. Baaskiil iyo bas ayaad si fudud ugu tagi kartaa meelo kala duwan oo Örebro iyo hareeraheeda ah.