Degmada Örebro

Örebro waa degmada todobaad ee ugu wayn dalka waxayna ku taalaa badhtamaha Iswidhan. Waxay 20 mayl oo kali ah u jirtaa Stockholm iyo 30 mayl oo ay u jirto Göteborg. Boqolkiiba 70 dadka Iswidhan ku nooli waxay deggen yihiin 30-ka mayl ee dhinac walba ka xiga Örebro. Way sahlan tahay in halkan lagu yimaado baabuur, bas, tareen ama diyaarad.

Magaaladu waxay jirtay qiyaastii 700 oo sano. Qasriga boqorka ee Örebro waxaba dhismihiisa la bilaabay sannadkii 1200. Degmada Örebro waxa deggen qiyaastii 129 000 oo qof. Boqolkiiba 16 ka mid ah ayaa asalkoodu yahay ajinabi waxana deggen dad ka kala yimid 150 dal oo kala duwan.

Sidee loo maamulaa degmada?

Degmada waxa maamula golaha degaanka. Golaha degaanka waxa ku jira wakiilo matalaya xisbiyo siyaasi ah oo kala duwan. Inta wakiil ee uu xisbi waliba helayaa waxay ku xidhan tahay inta cod ee uu xisbigu ka helo muwaadiniinta doorasho la qabto afartii sannaba mar. Golaha degaanku waxa ay ku shiraan Rådhuset (Guriga golaha) oo ku yaala Stortorget.

Qaabilaadda iyo qorshaha mustaqbalka

"Qaabilaadda iyo qorshaha mustaqbalka" waxay bixiyaan talo, taageero iyo warbixin. Shaqadoodu waa isku xidhka hay´adaha, kuwa iswidhiska ah iyo kuwa ajinabiga ahba. Halkan waxad ka heli kartaa qoraalo warbixin ah oo afaf kala duwan ah.

Ciwaanka xafiiska: Wadköpingsvägen 15–19
Telefoon: 019-21 41 62
Wakhtiyada shaqada:
Isniin-arbaca 10–12 iyo 13–15
Khamiis 13–16
Jimce 10–12 iyo 13–15

Shaqada iyo ganacsiga

Qiyaastii 11 000 oo qof ayaa u shaqeeya degmada. Shaqo-bixiyayaasha waawayn ee kale waa hay´adda caafimaadka gobolka Örebro oo leh ilaa 8 500 oo shaqaale ah, Jaamacadda Örebro, Xafiiska Tirokoobka Qaranka iyo Atlas Copco Rock Drills AB. Guud ahaan waxa Örebro ku yaala 5 000 oo shirkadood.

Dugsiyada iyo waxbarashada

Örebro waa magaalo waxbarasho. Waxa halkan ku taala Jaamacadda Örebro oo haysa 14 500 oo arday iyo 1 300 oo shaqaale ah. Jaamacaddu waxay bixisaa waxbarashooyin badan oo kala duwan sida tusaale ahaan dhaqaalaha, farsamada, caafimaadka, cilmiga bulshada iyo waxbarashada. Waxa kale oo jira kulliyadda hudheelada cuntada, kulliyadda muusigga iyo kulliyadda ciyaaraha.  Waxa Örebro ku yaala qiyaastii 70 dugsi hoose/dhexe ah iyo toban dugsi sare ah. Waxa kale oo halkan ku yaala dugsiyada dhallinyarada indhoolayaasha, dhagoolayaasha iyo kuwa dhagaha culus.

Guryaha

Waxa Örebro ku yaala shirkado badan oo kala duwan oo guryo leh. Ta ugu wayni waa shirkadda guryaha degmadu leedahay ee Örebrobostäder (Öbo). Waxay leedahay qiyaastii 23 000 oo guri, saddexdii qof ee reer Örebro ahna midbaa deggen guryaha Örebrobostäder.

Dhaqanka, deegaanka iyo madaddaalada

Örebro waa magaalo ay ka jiraan jaaliyado badan, in ka badan 500. Waxay ka shaqeeyaan wax walba sida dhaqanka ilaa ciyaaraha. Örebro waxa ku yaala 14 rugta buugaagta ah. Ka ugu wayni waa Rugta buugaagta magaalada ee suuqa ku yaala. Halkaa waxad ka amaahan kartaa buugaag waxanad ka akhrisan kartaa wargeysyada caalamka oo dhan. Kombiyuutaro uu ku jiro Internet ayaad ballansan kartaa.

Waxa Örebro ku yaala meelo badan oo la daawado. Beerta quruxda badan ee magaalada waxa ku taala Wadköping taas oo ah dhawr xaafadood oo guryo da´ wayn oo loox ah. Waxa halkaa ku yaala bandhigyo farshaxan, farsamo gacmeedyo, makhaayado iyo dukaamo. Taawarka kaydka biyaha ee Svampen ee ku yaala woqooyiga magaalada markaad fuushan tahay waxad arki kartaa dhammaan magaalada Örebro.

Magaalada Örebro waxa dhex mara togga Svartån. Halkaa bilaash ayaa looga kalluumaysan karaa nooca lax-ka sannadka oo dhan. Örebro waxa ku yaala meelo badan oo lagu dabbaasho iyo kuwa lagu ciyaaro. Ta ugu wayni waa barkadda dabbaasha ee Gustavsvik.

Dhawr kiiloomitir marka badhtamaha Örebro laga baxo waxa ku taala harta Hjälmaren. Qooriga togga Svartån labadiisa dhinac iyo meelaha uu dhuuban yahayba, waxa ku yaala waddooyinka dadka iyo baaskiiladaha oo wanaagsan. Dhinaca galbeedka waxa ku yaala buuraha Kilsbergen oo leh meelo badan oo lagu laydhsado. Waxad baaskiil si fudud ugu tagi kartaa magaalada, waxanad bas ku tagi kartaa meelo kala duwan oo Örebro iyo hareeraheeda ah.

17 september 2009 • 
14.17

Kontakt

019-21 10 00
Måndag-torsdag kl. 7.30–16.30
Fredag kl. 7.30–16

RSS-länkar på orebro.se

Örebro kommun, Box 30000, 701 35 Örebro | org.nr: 212000-1967 | 019-21 10 00
kommun@orebro.se | Om webbplatsen | Tyck till om webbplatsen | Webbplatsens blogg | Emil